Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in ay xirtay Akoono lacag badan ku jirtay kooxda Al- Shabaab taas oo qayb ka ah xanibaada kooxda lagu hayo.
Wasiir ku xigerenka Wasaaradda warfaafinta Cabdiraxmaan Cadalla ayaa sheegay in lacagahaas ay yihiin kuwa la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Soomaaliyeed sida uu yiri.
Waxa uu sheegay Wasiir Cabdiraxmaan Cadaala in lacagaha faraha badan ay xanibeen koooxda Al- Shabaab ugu jireen Xawaadadaha ku yaala , magaalada Muqdisho.
“In ka badan toban kun oo farriimood ayaa nasoo gaaray, kuwaas oo dadku nagula wadaagayeen akoonada ay Khawaarijtu lacagaha ugu diri jireen, taasoo keentay in bangiyada iyo xawaaladuhu xannibeen akoonnadaas oo lacago ugu jireen Khawaarijta,” ayuu yiri Al-Caddaala.
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dhawaan sheegtay in ganacsatada Soomaaliyeed looga baahan yahay in ay joojiyaan lacagaha baada ah ee ay siinayaan kooxda Al- Shabaab taas oo ay tiri waa mid lagu dhibaataynayo shacabka Soomaaliyeed.
Leave a Reply