Wefdi ka socda dowladda oo ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Koonfur Afrika

Wefdi ka socda dowladda oo ka qeyb galay shir muhiim ah oo ka dhacay Koonfur Afrika

Cape Town (Raxanreeb Online) Wafdi ka socda Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka labaad ee dalka, Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa ku sugan magaalada Cape Town ee dalka Koonfur Afrika, iyagoo ka qaybgalaya Shirka Maalgashiga Biyaha ee Qaaradda Afrika.

Shirkaan waxaa isugu imaanaya hoggaamiyeyaasha Afrika, siyaasiyiin, iyo la-howlgalayaasha horumarinta, si loo dardargeliyo maalgashiga iyo sugnaanta biyaha ee guud ahaan qaaradda Afrika.

Soomaaliya, maalgashiga biyuhu waa mudnaan istiraatiiji ah, waxaana uu muhiim u yahay adkeysiga ka dhanka ah saameynta cimillada sii xumaaneysa, la qabsiga iyo yareynta isbeddelka cimilada, kobaca dhaqaalaha waara, iyo xasilloonida muddada-dheer.

Leave a Reply

Your email address will not be published.