Weriye dhaliili jiray Dowladdii Farmaajo oo laga dhigay Hanti-dhawrka Qaranka

Weriye dhaliili jiray Dowladdii Farmaajo oo laga dhigay Hanti-dhawrka Qaranka

Muqdisho (Raxanreeb )  kulan  magaalada Muqdisho ay ku yeesheen xubnaha Golaha Wasiiradda Soomaaliya ayay ku meel mariyeen Hanti- dhawrka Qaranka Soomaaliya

Golaha ayaa si aqlabiyad ah u ansixiyay soo jeedinta Abuukaate Axmed Ciise Guutaale inuu noqdo Hanti-Dhawrka Guud ee Qaranka, Wasaaradda Maaliyadda ayaana golaha u soo jeedisay.

Mudane Abuukaate Axmed Ciise ayaa ah aqoonyahan xilal kala duwan ka soo qabtay dowladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay.

Kulanka Golaha Wasiirada ee maanta oo uu shir guddoomiyay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre.

Shirka ayaa looga dooday shuruuc la horkeenay oo dalka ahmiyad weyn u leh, wuxuuna goluhu si wadajir ah u ansixiyey Hindise Sharciyeedyada kala ah.

Hindise Sharciyeedka Maareynta Deegaanka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada, Hindise Sharciyeedka Dhowrista Xogta oo ay soo gudbisay Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoloojiyadda iyo sidoo kale Siyaasadda Maareynta Deegaanka oo Golaha ay horkeentay Wasaaradda Deegaanka iyo Isbadelka Cimilada.

Leave a Reply

Your email address will not be published.