NISA oo Garoonka Muqdisho ku xirtay Weriye Jamaal Osman , loona diiday….

NISA oo Garoonka Muqdisho ku xirtay Weriye Jamaal Osman , loona diiday….

Muqdisho ( Raxanreeb ) Weriyaha Channel 4 Jamaal Muxumed Cismaan oo maanta soo gaaray dalka ayaa lagu xanibay Hotel ku yaalla garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Weriyaha ayaa sheegay  inuu dalka u yimid fasax uu ka heley dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxaa lagu waramay in Weriye Jamaal uu caawa xabsi guri ku yahay  hoteel ku dhex yaalla gudaha garoonka Muqdisho.

Laamaha ammaanka Dowladda Federaalka  Soomaaliya weli kama aysan hadlin xanibaada Weriyahan ka tirsan Chanel 4 .

Ilo wareedyo aan la hadalnay ayaa noo sheegay in saraakiil NISA ay xayireen wariye Jamaal. Waxaana loo sheegay inuusan dhaqdhaqaaq sameyn karin , taasoo xadgudub ku ah xorriyadda saxafiga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.