Final Records : Kadib guusha, Messi ma la dhihi karaa waa ninkii ugu fiicnaa abid GOAT ?

Final Records : Kadib guusha, Messi ma la dhihi karaa waa ninkii ugu fiicnaa abid GOAT ?

Doha ( Raxanreeb ) Koobka sanadkan waxaa ka dhashay 172 gool. Waa koobkii ugu goolasha badnaa. 1998 iyo 2014 ayaa waxaa la dhaliyay 171 gool…..

.. Mbappe waa ninkii labaad ee finalka ka dhaliya 3 gool. Geof Hurst oo Ingiriis ah 1966 dhaliyay.

.. Mbappe oo sidoo kale gool ka dhaliyay finalkii 2018 ayaa noqonaya ninka kaliya ee dhaliyay 4 gool oo final ah.

… 13 gool iyo 8 caawin (21 gool), ayaa Messi ka dhigaysa ninka goolasha ugu badan ku lug yeeshay abid koobka adduunka. Wuxuu dhaafay Klose iyo Ronaldo Weyne.

.. Messi waa ninkii ugu horreeyay ee goolal ka dhaliya wareeg kasta hal koob adduun. (Guruubyada, 16-ka, 8-da, Semi Final iyo Final).

.. Messi sidoo kale waa ninka kulamada ugu badan kasoo muuqday koob adduun. Kulankan ayaa u ahaa 26. Wuxuu dhaafay Lauthar Mathaus, Germany, oo 25 kulan ciyaaray.

.. Macallin Scaloni, 44 sano, waa macallinkii kabaad ee ugu yaraa ee ku guuleysta koob adduun. Luis Menotti, 39 sano, ayaa ka yar oo Argentina u qaaday koobkan 1978.

Ibrahim Geddow Awale

Leave a Reply

Your email address will not be published.