Wiilal walaalo ah oo sabab la yaab leh dil u gaystay

Wiilal walaalo ah oo sabab la yaab leh dil u gaystay

Nairobi (Raxanreeb ) Booliska Mbeere South, ee ismaamulka Embu ee dalka Kenya, ayaa gacanta ku haya labo wiil oo walaalo ah oo da’doodu tahay 19 iyo 30 jir, kuwaas oo lagu eedeeyay in ay garaacis ku dileen nin ay hoyadood xiriir jaceyl kala dhaxeeyay, tuulada Itherembu, ee deegaanka Mariari.

Taliyaha Boliska Koonfurta Mbeere Harrison Njuguna ayaa sheegay in Saraakiisha DCI-da ee Saldhigga Boliska ee Kiritiri ay bilaabeen baaritaano ay ku doonayaan inay ku soo fur-furaan waxa keenay dhimashada ninkan 45-jirka ah. “Waan haynaa labada walaalaha ah, waxaana ogolaansho weydiisan doonaa maxkamadaha sharciga ee Siakago si aan u sii haysano, anagoo wadno macluumaad dheeri ah oo horseedi doona baaritaan dhameystiran,” ayuu yiri Njuguna.

Njuguna ayaa sheegay in mid ka mid ah walaalaha oo lagu magacaabo David Kinyua, oo 30 jir ah uu isku dhiibay booliska magaalada Kiritiri (20km u jirta guriga) halka midka kalena Kelvin Macharia (19 jir) laga soo qabtay gurigiisa isagoo hurda, waxaana gacanta ku dhigay taliyaha deegaanka iyo dadka tuulada.

Sida uu sheegay qof tuuladaas ku nool oo arrinta si gaar ah u eegayay, labada walaalo waxay damceen inay eryaan Mwangi{Ninka la dilay}, oo guriga hooyadood soo galay habeenimadii Axadda si uu u seexdo, waxaana xigtay in ay dagaalameen caruurta iyo ninka hooyadood usoo haasaawe tagay.

“Walaalaha waxay ka codsadeen ninka inuu baxo, laakiin Mwangi ayaa iska caabiyay, wuxuuna diyaar u ahaa dagaal, laakiin, nasiib daro, waxaa ka awood batay labadii walaalo ahaa iyagoo u adeegsaday budad ay dhowr jeer la dhaceen” ayuu yiri qofkaas tuulada kunool.

Dhacdaan ayaa waxaa ay noqotay mid siweyn looga hadal haayo ismaamulka Embu ee dalka Kenya, waxaana socota baaritanno ay wadaan Booliiska oo ku aadan sababta keentay in ay dilaan ninka laba wiil ee isla dhalatay, kuwaas oo la sheegay inuu ninka hooyadood haasaawe kala dhaexeeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.