William Ruto  oo si layaab leh uga hadlay dibadbaxyada ka socda Nairobi.

William Ruto  oo si layaab leh uga hadlay dibadbaxyada ka socda Nairobi.

Nairobi (Raxanreeb )- Madaxweynaha dalka William Ruto ayaa sheegay in kenyaanka ay xaq dimuqraadi ah u leeyihiin in ay sameeyaan dibadbaxyo ka dhan ah hindise sharciyeedka maaliyadda ee sanadkan.

Hasa ahaate, waxaa uu hoosta ka xarriiqay in maamullada kala duwan ay xor u yihiin go’aammada ay qaadanayaan ee ku aaddan mudaaharaadyada.

Waxaa uu intaasi ku daray in golaha fulinta ee dowladda iyo baarlamaanka ay ka wada shaqeeyaan sidii loo qaadan lahaa go’aammo ay waddanka dani ugu jirto.

Tani ayaa ku soo aadaysa iyadoo lagu wado in xildhibaannada baarlamaanka ay maanta billabaan in ay u codeeyaan hindise sharciyeedka maaliyadda ee muranka dhaliyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.