Muqdisho (Raxanreeb )- Xildhibaan Fowsiyo Xaaji Yuusuf oo mar dalka ka soo noqotay Ra’iisulwasaare ku xigeen iyo Wasiirka arrimaha dibadda ayaa sheegtay in Xasan Sheekh Maxamuud ku amray in ay ka harto tartanka Guddoonka Urur Goboleedka IGAD.
Fowsiyo waxa ay sheegtay in Xasan Sheekh uu ugu hiiliyay , Dowladda Jabuuti horeyna sidan oo kale Kenya uu ugu hiiliyay dalka taas oo ay sheegtay in ay dhacayaan waqti dalka Madaxwayne uu ka yahay Xasan Sheekh.
Waxa ay sheegtay Fowsiyo , in Xasan Sheekh iyo Afar madaxwayne maamul goboleed ay u yeereen si looga dhaadhiciyo in ay ka tanasuusho tartanka ay ugu jirto kursiga Guddoomiyaha Ururka midowga Afrika ee ay u sharaxan tahay.
Fowsiyo ayaa ka dalbatay sida ay sheegtay Xasan Sheekh inuu u cadeeyo , waxa ay ku bedelan karaan in Soomaaliya ay Jabuuti ugu tanasuusho , kursigan hase ahaatee ay u sheegi waayeen wax cad oo ay ku qanacdo.
Nasiib darro ayay ku tilmaantay in dal , dal kale uu ugu tanasuulo danahiisa , hase ahaatee Xasan Sheekh uu ku dhiiraday.
Intaas waxa ay ku dartay in marnaba dhankeeda ay qaadan doonin hadalka Xasan Sheekh oo ah inay tanasuusho wax kasta oo ay ku qaadato ay tartami doonto.
Leave a Reply