Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad  GAZA & duqeymo sii socda

Xaalad quus ah oo ka taagan xaruunta caafimaad  GAZA & duqeymo sii socda

GAZA (Raxanreeb ) Hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ayaa ka digtay xaalad halis ah oo ka jirta xarunta ugu weyn ee caafimaadka Qasa ee Al-Shifa oo ay ka jirto koronto la’aan, cunto yari iyo biyo la’aan ba’an.

Madaxa WHO Tedros Adhanom Ghebreyesus ayaa sheegay in “rasaasta joogtada ah iyo qaraxyada” ee ka dhacaya agagaarka isbitaalka ay “sii xumeeyeen xaaladihii hore ee halista ahaa” iyo in Al-Shifa “uusan hadda u shaqeyn sidii isbitaal oo kale”.

Milateriga Israa’iil ayaa ku celiyay inay “diyaar u yihiin inay gacan ka gaystaan” daad-gureynta tobannaanka dhallaanka ah ee nugul ee lagu xanaaneeyo xaruuntan, lana geeyo isbitaal kale.

Madaxa qaliinka ee Al-Shifa, Dr Marwan Abu Sacda, ayaa sheegay in ilmihii saddexaad ee dhawaan dhashay uu u dhintay maadaama aan la hayn adeegyadii ay ahayd in carruurtu ay helaan marka ay dhashaan.

Ciidamada Israa’iil ayaa sheegay in diyaaradahooda dagaalka ay weerareen dhowr bartilmaameed oo Xisbullah ku leedahay gudaha Lubnaan Axaddii, iyagoo ka jawaabayay weeraro ay kooxdaas ka geysatay waqooyiga Israa’iil.

Xoghayaha Guud ee Ururka Xisbullah Xasan Nasrallah ayaa khudbadiisii ​​labaad jeediyay tan iyo markii uu dagaalku billowday isagoo adeegsanaya muuqaal Sabtidii, isagoo sheegay in kooxdiisu ay sii wadi doonto cadaadiska ay Israa’iil ku hayso xuduudkeeda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.