Xabad joojin la kala dhex dhigay malleeshiyo beeleed ku dagaallamay Cadalle

Muqdisho (Raxanreeb) — dhowaan labo malleeshiyo Beeleed oo ay ku dagaallameen degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa billowday wada-hadallo lagu doonayo in xal looga gaaro colaad beleedyada soo laab laabtay ee ka dhacay degmadaas.

Degmada Cadalle waxaa gaaray Odayaal Dhaqan oo ay hoggaaminayaan Ugaas Maxamuud Cali Ugaas & Imaam Maxamed Yuusuf, kuwaas oo bilaabay kulamo lagu dhex dhexaadinayo dhinacyada dagaalamay.

Ugaas Maxamuud Cali Ugaas ayaa sheegay inay la kulmeen Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hir-Shabeelle Cali Guudlaawe Xuseen, ayna ka wada hadleen sidii xal looga aari lahaa colaada labada beelood oo ah kuwo soo laab laabtay.

Wuxuu sheegay in saacadaha soo socda Guddiyo uu kamid yahay ay gaari doonaan degaannadii lagu dagaalamay, isla markaana maalmaha soo socda go’aan laga gaari doono colaada u dhaxeeysa labada maleeshiyo Beeleed ee wada degaan degaano hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Dagaal Beeleedyadii ka dhacay degaannada hoostaga degmada Cadalle ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ka dhashay dhimashada in ka badan 30 Ruux, waxaana dagaallada ay yihiin kuwo soo laab laabtay.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in la kala dhex galay malleeshiyaadkaasi ku dagaallamaayay Shabeellaha dhexe deegaano hoostaga Cadalle, balse hadda loo sammeeyay Heshiisyo lagu joojinayo xabbadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.