Xalka Gedo oo looga hadlayo magaalada Kismaayo + Safarka MD Xasan ee Gedo

Kismaayo (Raxanreeb ) Magaalada Kismaayo ee  gobolka Jubbada Hoose  waxaa gaaray Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya , halkaas oo uu ka bilaabay kulamo siyaasadeed.

Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya ka sakow kulmada siyaasadeed waxa uu – u  u kuur-galaya xaaladda deegaannada Jubbaland, isagoo mudnaan siinaya dardar gelinta wajiga labaad ee xoreynta dalka oo qorshuhu yahay in Alshabaab

Marka laga soo tago arrimaha howlgalada waxa jira warar  kale oo la xiriira in Madaxwayne Xasan  Sheekh uu tagi doono magaaalada Garbahaaray  ee gobolka Gedo.

Madaxwayne Xasan Sheekh ayaa dadaal badan gelin doona sidii xal loogu heli lahaa xiisadda gobolka Gedo oo soo jiitameysay kahor doorashooyinkii soo dhamaaday dalka.

Kismaayo iyo Garbaaharay ayaa in muddo ah kala fog , waxaana siyaasiinta labada dhinac ku sugan ay sheegayaan in sababta ugu wayn ay tahay  cabasho laga qabo dhismaha maamulka Jubbaland.

Dhanka Garbahaaray waxaa ku sugan siyaasiin iyo xildhibaano halkaas ka wada kulamo ka dhanka ah maamulka Jubbalad ee Axmed Maxamed Islaam Madoobe oo in muddo ah ka talinaya Jubbaland.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo xoogan oo ay ku doonayso in gabi ahaanba la soo afjaro xiisadaha siyaasadeed ee muddo dheer kala  fogaysay Kismaayo iyo Garbaaharay oo aan dab kala qaadan sanado badan

Leave a Reply

Your email address will not be published.