Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab

Dib u noqosho ma jirto: Waa inaynu soo afjarnaa halista kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb ) Soomaaliya waxay dagaal kula jirtaa koox argagixiso caalami ah oo arxan daran, akhlaaq daran oo aan la aqbali karin inay dalkeena iyo dadkeena ku dhex noolaadaan kagana dhex shaqeeyaan afkaarahooda guracan. Hadii aynaan ka suulinin kooxdan dibin- daabyeynta iyo dhibaateynta ku haysa bulshadeena, waxa ka go’an inay baabi’iyaan jiilasha danbe. In dhibaato ku filan wey gaarsiiyeen shacabkeena, waxaan leenahay, hadda waxaa la joogaa xilligii uu gabalkiina dhici lahaa, ugu dambeyntiina aan soo afjari lahayn arxan-daridiina.

Al-Shabaab waxay u bareereen dilka, naafaynta, baadda iyo dhaca shacabka Soomaaliyeed oo ay caadeysteen inay xoog uga qaataan hantidooda. Waa cadawga iyo halista ugu weyn ee maanta ay ummaddeena iyo qaranimadeenu wajaheyso, ayna tahay inaan cududeena iskugu geyno.

Xilligan adag oo dhibaatooyin bini’aadannimo iyo kuwa dhaqaale ka jiraan dalkeena, kooxdan qowleysatada ahi waxay qarxiyeen ceelal biyoodyo dadka Soomaaliyeed iyo xooluhuba ka cabayeen, waxay gubeen degaanno shacab Soomaaliyeed ku noolayeen. Waxay si xoog ah ay uga qaataan xoolaha nool ee shacabku dhaqdaan, waxayna lacago baad ah ka sameeyaan ganacsiyada iyo shaqsiyaadka kale ee la daaladhacaya sidii ay u soo saaran lahayeen nolol maalmeedkooda. Kooxdani waa Kansar inagu dhexjira, waana inaan iskugu geynaa awooddeena si wadajir ah inaan diinteena, dadkeena iyo dalkeena uga badbaadino. Haddii sidaas eynaan yeelin, mustaqbalka dalkeena iyo jiilasha soo socdaba mugdi ayay geli doonaan.

Waxaan bogaadinayaa geesinimada ay muujiyeen shacabkeena Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku bahoobay tageerida ciidamadooda amniga si ay uga dhiidhiyaan tacadiyada iyo gumaadka kooxda Al-Shabaab ay ku hayaan dadkeena iyo qarankeena. Fariinteena mideysani waa ay caddahay: mar dambe nooma cagajugleyn doonaan, nama qabjabin doonaan, nama sii dili doonaan, mana sii socon doonto baadda xoog-sheegadka ah ee ay shacabka ka qaadaan. Waxa aan nafteena, shacabkeena iyo dalkeena ka difaaci doonaa argagixisada caalamiga ah. Argigixisadu saaxiib iyo guri kuma sii yeelan doonto Soomaaliya.

Tan iyo markii uu Soomaaliya ka billowday dagaalka ka dhanka ah argagixisada caalamiga ah sanadkii 2007, ma jirin waqti ka wanaagsan xilligan oo aan dareemay rajada aan ka qabo jabinta Al-Shabaab. Taas waxaa sabab u ah, maanta, annaga oo ka midaysan caqabad ahaanshaha kooxdan, isla markaasna go’aansanay in aynu badbaadsano mustaqbalka ummaddeenna. Iftiinka ifaya ee rajada ummadda Soomaaliyeed marnaba mugdi ma galin kari doonaan argagixisadu. Waxaynu horumar iyo barwaaqo wada gaari doonnaa marka aynu ka adkaano argagixisada oo aynu baal mugdi ah ka galino taariikhda qormeysa.

Si aynu u dhinno awoodooda, ugana adkaano kooxdan, waxaan qaadnay nidaam dhamaanteen kaalin uga banaantahay oo heysta taageerada shacabkeena si aynu u gacan bir ah ugu qabano cid walba oo garab ku siisa Al-Shabaab sii wadida dhibaateynta shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan rumeysannahay in wadashaqeynteena ay muhiim u tahay in laga adkaado Al-Shabaab, waana sababta aan u sameynay istaraatiijiyad dhameystiran oo aan ku wajaheyno yareynta khatarta Al-Shabaab si aan ugu dambeyntii u ciribtirno. Toddobaadyada iyo billaha soo socda, waxaan idiin xaqiijinayaa, muwaadiniinteenna aan jecelnahay, in aan sii wadi doono baacsiga cadawga oo aan ka xoreyn doono degaanno badan oo muhiim ah, kadibna aan gaarsiin doono gargaarka bini’aadantinimo iyo horumarinta ay aadka ugu baahanyihiin deeganadaas iyo dadka ku nool.

Inkastoo aan dowlad ahaan iyo saaxiibadeenna caalamiga ah, in muddo ahba ku howlaneyn la dagaalanka Al-Shabaab, haddana falcelinta iyo dhiranaanta ay maanta muujiyeen dadkeenna ayaa dib u soo nooleeyay inaan aamino si wadajir ah inaan uga adkaan karno kooxdan sharwadayaasha ah.

Waa sax in aan awood ciidan adeegsano, balse Al-Shabaab qoriga oo kaliya laguma jabin doono. Sidoo kale waa in aan saxnaa fikirka tacliinteena, oo aan xirno maalgelinta xaaraanta ah iyo illaha uu dhaqaaluhu ka soo galo argagixisada. Waxaan mar kale ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed inay ku kalsoonaadaan dadaalkeenna wadajirka ah oo ay si geesinimo leh uga hortagaan cid walba oo la shaqeysa argagixisada.

Waa in aan ka hortagnaa khayaanada ay Al-Shabaab ku hayaan diinteena Islaamka ee quruxda badan, ee ku saleysan nabadda. Anaga oo nabadda jecel waxaan nahay muslimiin dhab ah. Argagaxisada dilaaga ah ee dhiigga u ooman xitaa faham kama heystaan macnaha dhabta ah ee fariinta Islaamka ee ku saleysan rajada, nabadda, iyo horumarka aadanaha oo dhan. Runtii Alle SWT waa naxariis badane, wuxuuna ina faray inaan isku naxariisano mar walba.

Sanadihii lasoo dhaafay, waxaan ku waynay si murugo badan leh dagaalka lagula jiro Al-Shabab muwaadiniin badan oo geesiyaal ah iyo ciidamada dalalka aan saxiibada nahay ee naftooda inoo huray si ay bulshadeenna uga ilaaliyaan halista kooxdan. Maanta oo aan dagaalka u soo wadajeesanay waxa ay isku dayeyaan inooga yoolkeena inooga leexiyaan falalkii fulaynimada iyo caga-juglaynta lahaa ee ay ku hayeen shacabkeena aan waxba galabsan, ayna ku boobi jireen hantidooda iyo xoolahooda. Waxba nagama leexin karaan, laakiin waan sii laba-laabaynaa dedaalkeena, ilaa aynu ka soo afjarno bahalnimada kooxdan.

Xaqiiqdu waxay tahay in eynaan gaari karin horumar waara, mid dhaqan-dhaqaale, bulsho iyo siyaasadeed hadii aynaan iska dulqaadin Al-Shabab. Kooxdan argagixisada ah ee Al-Shabab dan kama lahan ka run-sheegida diinteena Islaamka, kama shaqeyaan horumarka dalkeena. Waxay rabaan inay mustaqbalkeena iyo kuwa jiilalka soo socda u baabi’iyaan danahooda guracan. Marna uma oggolaan karno inay guulaystaan. Haddaba, waxaa mas’uuliyad ka saaran tahay muwaadin kasta oo Soomaaliyeed inuu sii wado dadaallada aan kaga hortageyno kooxdan maafiyada ah ee Al-Shabaab iyo falalka foosha xun ee ay ula bareereen shacabkeena. Waxaan ku kalsoonahay, haddii aan si hufan oo wadajir ah u sii wadno baraaruga iyo dadaaladeena shacab iyo dowladba in aan guulaysan doono Insha Allah.

Mudane Xasan Sheikh Maxamuud – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Twitter: @HassanSMohamud, Facebook: www.facebook.com/HassanSheikhMahmud

Leave a Reply

Your email address will not be published.