Xamse Cabdi Barre ” Shaqo waxaa la heli karaa marka Al- Shabaab laga adkaato ”

Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in inta dalka ay ku sugan yihiin kooxda Al- Shabaab ay adkaan doonto sidii dhallinyarada ay u heli lahayd shaqo.

Xamse ayaa sheegay in dalka oo kala xiran wax badan ay ku keeni karto shaqo abuurka dhallinyarada Soomaaliyeed loona – baahana yahay in la adkaato Kooxd Al- Shabaab.

” Ma suurtagalbaa in dalka oo ay haystaan kooxda Al- Shabaab in dhallinyaradu ay heli karaa shaqo wanaagsan , dalka waxa u baahan yahay in laga qaado culayska kooxda Al- Shabaab ka dib aan is waydiino ma la heli karaa shaqa ” ayuu yiri Ra’iisulwasaaraha Soomaaliya.

Ra’iisulwasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in magaalooyinka qaar dadka gaajo ay ugu dhimanayaan taasna ay keentay in Al- Shabaab waddooyinka xirtaan.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa ganacsatada ku eedeeyay inay u dhego nugul yihiin awaamiirta Al-Shabaab, iyagoo ka baqaya in ay dilaan.

“Galgala, mid buurta saaran baa mid Xamar Weyne joogga intuu la soo hadlo dhihi lacagtaa ii keen, markaasuu u gayn intuu sii qaado,” ayuu yiri Ra’iisal Wasaaruha.

Si kastaba hadalka Ra’iisulwasaaraha ayaa imaanaya , iyadoo dalka ay ka jiraan dhibaatooyin isugu jira abaar iyo colaad inta badan salka ku haysa , qulqultooyinka aan xalka laga gaarin sanadaha badan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.