Baay & Sh .Hoose oo lagu burburiyay Maxkamado ay lahaayeen Al- Shabaab

Afgooye ( Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in howlgal gaar ah lagu burburiyay Maxkamad Kooxda Al- Shabaab ay ku lahayeen tuulada Sabya oo hoostagta deegaanka Basra oo dhaca waddada xiriirisa magaalooyinka Afgooye iyo Balcad.

War ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay qaadeen ciidanka Gorgor lagu beegsaday xarumo Al- Shabaab ay lahayeen , taas oo qayb ka ah sida warka lagu yiri qorshaha Dowladda ay kaga hortagayso Al- Shabaab.

Waxa lagu sheegay warka Dowladda ka soo – baxay inay burburiyeen maxkamad beenaad ku taalay halkaas oo ay kooxda Al-Shabaab ugu yeeri jireen shacabka iyo ganacsatada Soomaaliyeed.

DHANKA KALE :

Ciidanka Xoogga dalka ayaa howlgalo qorsheeysan ka sameeyay degaano katirsan gobolka Baay ayaa bur-buriyay Maxkamado ay Al-shabaab ku lahaayeen halkaasi.

Saraakiisha Hoggaamineysa Howgalka ayay Ciidanka gaar ahaan Ururka 46-aad Guutad 8-aad Qeybta 60-aad ayaa sheegay in howlgalka si gaar ah uga sameeyeen deegaannada War-iishe, Keeysaneey, Buulo-jadiid, Raamo-cadooy, iyo Moodo Moodo.

si kasta Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa u muuqata in ay kordhisay maalmihii la soo dhaafay howlgalada ka dhanka ah Al- Shabaab , kaas oo ka soconaya meelo badan oo dalka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.