Xarumo Dowladeed oo Kismaayo oo ku yaala oo Al- Shabaab hoobiyaal ku garaacday

Kismaayo (Raxanreeb ) Maanta oo khamiis ah kooxda Al- Shabaab ayaa weerar hoobiyaal ah waxa ay ku qaadeen gudaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubada hoose , waxyar uun ka dib markii magaaladaas lagu qabtay kulan amniga looga hadlayay.

Goobjoogayaal ku sugan magaalada Kismaayo ayaa sheegay in gudaha magaalada gaar ahaan xarumo Dowladeed ay ku dhaceen dhawr hoobiyaal ah oo laga soo tuuray duleedyada magaaalada Kismaayo.

Deegaanada Buulagaduud iyo baar sanguuni ayaa la soo sheegayaa in hoobiyaashan  kooxda Al- Shabaab ay ka soo qaadeen , in kastoo aan la cadayn khasaaraha ka dhashay.

Qalqal ayaa soo wajahay dadka ku nool magaalada Kismaayo , halkaas oo maanta laga maqlayay dhawaqa rasaasta  culculus.

Maamulka Jubbaland wax war ah ma uusan ka soo saarin  hoobiyaashan maanta  lagu gaaraacay magaalada Kismaayo , gaar ahaan xarumaha Dowladda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.