Hirshabeelle (Raxanreeb Online): Kulankii Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) ayaa soo idlaaday, iyadoo la sheegay in dib la isugu soo laaban doono marka Madaxweyne Xasan Sheekh uu kasoo laabto Dhuusamareeb.
Warar ku dhow kulanka ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheekh uu faray wasiirro iyo siyaasiyiin horey uga soo horjeeday Cali Guudlaawe inay la heshiiyaan Madaxweynaha Hirshabeelle.
Sida xogaha lagu helayo, Cali Balcad ayaa kamid noqday siyaasiyiinta Madaxweynaha xiriirka la leh ee la sheegay inay heshiis la gaareen Cali Guudlaawe.
Arrintan ayaa dhalisay su’aalo ku saabsan mustaqbalka siyaasadeed ee Cali Guudlaawe iyo inuu weli haysto fursad uu ku sii wadan karo xilka Madaxweynaha Hirshabeelle.
Ilaa hadda ma jiraan warar madax-bannaan oo xaqiijinaya ama beeninaya xogtan, balse wararka la helayo ayaa muujinaya in rajada Cali Guudlaawe ee sii joogista xilka ay soo xoogeysaneyso.

Leave a Reply