Xasan Sheekh oo Kismaayo u tagaya isku soo dhawaynta  Jubbaland & Gedo

Kismaayo (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda  Federaalka Soomaaliya ayaa magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose  ku wajahan  halkaa soo uu kulamo kula qaadan doonto Hoggaamiyaha maamulkaas Axmed Madoobe.

Qaban qaabada soo dhawaynata Madaxwayne Xasan Sheekh Maxamuud  ayaa  ka jirta magaalada Kisamaayo , waxaana waddooyinka magaaladaas ka dhigay ciidamo hor leh.

Ujeedka safarka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Magaalada Kismaayo uu yahay sidii xal looga gaari lahaa arrimaha Gobolka Gedo.

Warar aan helayno ayaa sheegaya in Madaxwayne Xasan Sheekh sidoo kale  uu tagi doono magaalada Garbahaaray halkaas oo uu ka furi doono shir  dib u heshiisiin ah oo la isugu soo dhawaynayo Kismaayo iyo Garbaharay

Leave a Reply

Your email address will not be published.