Xasan Sheekh oo safar ku tagaya Itoobiya xilli khilaaf u  dhexeeyo  labada dal.

Xasan Sheekh oo safar ku tagaya Itoobiya xilli khilaaf u  dhexeeyo  labada dal.

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa u jihaysanaya magaalada Adis Ababa ee dalka Itoobiya  iyadoo khilaaf uu kala dhaxeeyo Dowladda Itoobiya.

Madaxwaynaha oo ka hadlayay magaalada Kismaayo waxyar uun ka dib markii uu  la kulmay Madaxwaynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa xusay in halkaas uu kaga qayb gali doono shirar kala duwan.

Xasan Sheekh oo ka hadlaya safarkiisa ee uu ku tago magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa yiri, ”Dhawaan waxa aan safar ku tagayaa anniga iyo wafdi aan hoggaaminaya magaalada Addis Ababa ee xarunta midowga Afrika.”

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa u jeedka safarkiisa ku sheegay in halkaas uu uga qeyb galayo saddex shir oo Soomaaliya muhiim u ah, “Meeshaas (Addis) saddex shir oo muhiim ah ayaa ka jira;  Shirkii Midowga Afrika ayaa ka jira oo ay isugu imaanaya madaxdii, waxaa halkaas ka jira shir ay isugu imaanayaan madaxdii IGAD iyo Shirka Bulshada Bariga Afrika.”

Dr. Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in shirarkaan ay Soomaaliya muhiim u yihiin, waxa uu carabka ku dhuftay in Soomaaliya aysan wali ka tanaasulin go’aankeeda, aysan aqbali doonin faraglinta Itoobiya.

Hadalka ka soo yeeray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo aadaya xilli xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uusan ahayn mid wanaagsan

Leave a Reply

Your email address will not be published.