Dowladda ma waddooyinka Muqdisho ayay ciidamo ka qoronaysaa ?

Muqdisho (Raxanreeb ) Dowladda Federaalka Soomaaliya gawaari ciidan oo ay leedahay ayaa waddooyinka magaalada Muqdisho ka wada Olole dhallinyarada ay uga qorayaan ciidanimo.

Gawaaridan oo ah kuwa ciidan ayaa la arkayay iyaga oo ku wargalinaya dhallinyarada ka qayb galka dagaalka ka dhanka ah kooxda Al- Shabaab.

Siyaabo kala duwan ayay uga hadlayaan dadka magaalada Muqdisho ku nool gawaaridan dhallinyarada ugu yeeraya in ay is diwaan galiyaan.

Dowladda Federaalka Soomaaliya wax faahfaahin ah ma aysan ka bixin ujeedka laga doonayo dhallinyarada la qorayo in loo qaadi doono dalka dibadiisa ama ay ka qayb galayaan dagaalka socda.

Si kastaba Dowladda Soomaaliya ayaa wada talaabooyin ay ku doonayso in ay wax kaga qabto xaaladaha adag ee dhinacyada amniga ee dalka ka jirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.