Xiisad ka maaliyadeed oo ka dhax jirta Hirshabeelle

Xiisad ka maaliyadeed oo ka dhax jirta Hirshabeelle

Beledwayne (Raxanreeb ) Wararka naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in haatan xiisad cusub oo salka ku heysa arrimaha maaliyadda ay ka dhex qaraxday guddoomiyaha gobolkaasi, Cali Jayte Cismaan iyo wasaaradda maaliyadda ee dowlad goboleedka HirShabelle.

Cali Jayte oo qoraal dheer soo saaray ayaa ka horymid qorshe ay HirShabelle ku dooneyso in lagu mideeyo canshuurta, wuxuuna diiday in canshuurta gobolka Hiiraan ka timaada ay ku dhacdo qasnada wasaaradda maaliyadda Hirshabelle ee degan magaalada Jowhar.

Guddoomiyaha ayaa shaaca ka qaaday in qorshahaan uu keeni karo habacsanaan dhan walba ah oo ay ugu horeyso in lagu wiiqayo guulahii la gaaray howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab ee ka socda gobolka Hiiraan.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in marnaba aysan ogolaan doonin in hantida shacabka ku dhaqan gobolka Hiiraan ay ku baxdo meel aan hubanti laheyn, sida uu hadalka u dhigay.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cali Jeyte ayaa ku baaqay in la keeno hannaan Maaliyadeed oo daahfuran oo la isla ogolyahay, si loo helo xasilooni siyaasadeed oo lagu wada shaqeyn karo, islamarkaana ay tahay in la ixtiraamo sarreynta sharciga.

Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in reer Hiiraan ay xilligaan u baahan yihiin taageero iyo garab istaag, maadaama ay dagaal kula jiraan xoogaga Al-Shabaab, wuxuunq ku baaqat in aan looga sii darin xaaladda taagan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.