Xoghayaha Q.M Guterres oo Muqdisho soo gaaray & ujeedka socdaalkiisa

Xoghayaha Q.M Guterres oo Muqdisho soo gaaray & ujeedka socdaalkiisa

Muqdisho ( Raxanree)Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres ayaa booqasho ku yimid magaalada Muqdisho, waxaa garoonka diyaaradaha ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruse iyo xubno ka tirsan Xafiiska QM ee Soomaaliya.

Mr Guterres ayaa booqashadiisa la xiriirta Arrimaha bani’aadanimada iyo taageerida howlgalka ay hoggaamineyso dowladda Federaalka ee la dagaalanka Al-Shabaab.

Inta uu joogo waxaa uu la kulmi doona Madaxda dowladda Federaalka, sidoo kale safar ayuu ku tagi doona magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee Koofur Galbeed.

Waa booqashadii labaad uu Muqdisho ku yimaado, bishii March ee sanadkii 2017 ayuu Muqdisho yimid

Leave a Reply

Your email address will not be published.