Dhuusamareeb (Raxanreeb online) – Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusamareeb ee xarunta Galmudug ayaa sheegaya in saaka xaalad kacsanaan ah laga dareemayo magaalada iyadoo labo ciidan oo kala taabacsan dowladda ay qarka u saaran yihiin iska horimaadyo sida ay sheegayaan dad deegaanka ah.
Khilaafkan ayaa la sheegay in uu salka ku hayo dhul ku yaalla magaalada Dhuusomareeb kaasoo khilaaf xooggan uu ka dhex dhaliyay mid ka mid ah ganacsatada deegaanka iyo maamulka Galmudug, sida ay sheegeen ilo lagu kalsoon yahay.
Maamulka Galmudug ayaa la sheegay in uu Ganacsadahan ku amray in uu ka guuro dhulkaas oo ay ku sheegeen in uu yahay hanti ay leedahay dowladda Soomaaliya Si kastaba ha ahaatee Ganacsadaha ayaa diiday inuu baxo, taasoo sii kordhisay xiisadda u dhaxeysa labada dhinac.
Wararka ayaa intaa ku daraya in ganacsadaha ay garab ka helayaan ciidamo hubeysan oo daacad u ah kuwaasi oo qaarkood dhawaan ka baxay fariisimaha hore ee dagaalka si ay u ilaaliyaan Joogitaanka ciidamadan ayaa keenay in magaalada ay si weyn isugu soo baxaan, waxaana la arkayaa dhaq dhaqaaq ciidan oo aad u xoogan sida ay wararku sheegayaan.
Dadka deegaanka ayaa walaac xoogan ka muujiyay suurta galnimada iska horimaad gacan ka hadal ah oo ka dhaca bartamaha magaalada Dhuusamareeb taasi oo sare u qaadaysa cabsida laga qabo in xasilooni daro hor leh ay ka dhacdo.
Dhanka kale dhaq dhaqaaqii ganacsi ee magaalada ayaa intiisa badan hakad ku jira, waxaana xiran goobo ganacsi oo badan, sababo la xiriira hubanti la’aanta ka jirta magaalada.
Maamulka Galmudug ayaan weli war rasmi ah ka soo saarin dagaalka hubeysan ee ka dhici kara Dhuusamareeb. Sida ay sheegayaan wararka is-maandhaafka socda ayaa mugdi geliyay nolol maalmeedka magaalada iyadoo dadka deegaanka ay ku dhiiradeen inay sii kordhaan.
Leave a Reply