Muqdisho (Raxanreeb Online): Xildhibaan Kooshin, oo Somaliland ku metela Golaha Shacabka Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay inuu taageersan yahay rabitaanka dadka uu metelo, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay kala tagtay xilligii Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaanka oo la hadlay Shabeelle TV ayaa sheegay: “Dadkayga aan metelo (Somaliland) waxa ay rabaan ayaan rabaa, iyagaan meesha u joogaa.”
Markii wariyuhu weydiiyay mowqifkiisa ku aaddan dadka Somaliland iyo arrinta madaxbannaanida, Xildhibaan Kooshin ayaa ku jawaabay in uu taageersan yahay waxa ay dadkiisu rabaan, isagoo yiri: “Waxay rabaan baan la rabaa.”
Xildhibaan Kooshin ayaa kamid ah xubnaha sare ee Golaha Mustaqbalka ee mucaaradka, iyadoo hadalladiisu kusoo beegmayaan xilli ay Soomaaliya ka taagan yihiin doodo siyaasadeed oo la xiriira midnimada dalka, Somaliland iyo mustaqbalka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Leave a Reply