Xildhibaan ku geeriyootay iska hor imaad ka dhacay Jigjiga.

Xildhibaan ku geeriyootay iska hor imaad ka dhacay Jigjiga.

Jigjiga (Raxanreeb ) Iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac ayaa maanta oo talaada ah ka dhacdag magaalada Jigjiga ee dowlad deegaanka Soomaalida.

Waxaa lagu soo waramayaa in Garoonka Jigjiga Rasaastaas ka dhacday , taas oo sababtay khasaare kala duwan oo naf iyo maalba leh.

Sida RBC uu ka helayo magaalada Jigjiga is- rasaaseyntaas  waxaa ku geeriyooday Xildhibaan oo lagu magacaabo Juweriya Subcis iyo dad kale.

Dagaalkan la sheegay  inuu ka bilowday muran dhax maray laba askari oo mid ka tirsanaa ciidamada ammaanka ee dowlad deegaanka Soomaalida halka Kan kalana uu ka mid ahaa ciidanka Fadraalka Ethopia.


Sida goobjoogayaashu ay sheegayaan waxaa rasaastaas geerida sababtay bilowkeeda lahaa askari ka tiran Dowladda Federaalka Itoobiya.

Wararkii ugu danbeeyay ayaa sheegaya in hadda ay degan- tahay isla markaana ay socdaan baaritaan arrintan la xiriirta

Kala soco.

www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.