MUQDISHO (Raxanreeb) Xildhibaan Cabdiraxmaan Xuseen Odowaa oo xulufo la ah maamulka Madaxwaynaha Dowladda Federaalka, Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa sheegay in dhibaato badan ay ka taagan tahay habka awood qeybisga khayaaradka dalka.
Odawaa oo ka hadlayay munaasab ka dhacday Muqdisho oo lagu taageerayay Wasiirka Cadaaladda iyo Dastuurka, Xasan Macallin Maxamuud, ayaa sheegay in caddaalad darro ay ka jirto qaybsiga khayraadka dalka.
“Waxaa jira dad badan oo mas’uuliyiin ah oo si hoose u iibsanaya khayraadka dalka taas oo baalmarsan sharciga qaybsiga khayraadka waxaa loo baahan yahay in dadkaas wax badan lala socdo mana ah cadaalad ‘’ ayuu yiro Odowaa
Xildhibaan Odowaa aya intaas waxa uu warkiisa ku daray in xeebaha dalka ay ka socdaan xaaluf lagu hayo khayraadka dalka , oo ay gaysanayaan maraakiib shisheeye oo aan haysan wax ruqsad ah ama shaqsiyaad kale u soo mara.
Odawaa wuxuu Wasiirka Cadaaladda ugu baaqay inuu tallaabada ku habboon ka qaado boobka tooska ah iyo midka dadban ee ku socda kalluunka Soomaaliya.
Si kastaba waxaa jirta in wali dhibaatooyin adag oo u baahan xal ka gaaris laga gaaro habka qaybisga khayraadka dalka , taas oo hadii ay dhacdan wax badan ka bedeli karto kaluumaysiga sharci darada ah ee ka jira xeebaha Soomaaliya.
Leave a Reply