Xildhibaano mooshiin ka keenay xarigga sharci-darrada ee Abdalla Muumin

Muqdisho (Raxanreeb ) Xildhibaano ka tirsan Golaha shacabaka Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta dalbaday in si shariga baalmarsan uu ku xiran yahay xoghayaha SJS Cabdalle Ahmed Muumin.

Mooshin ku saabsan kiiskan ayaa maanta oo Isniin ah waxaa Golaha Shacabka waxa horgeeyay xildhibaano ka tirsan Golaha shacabka – kuwaas oo dalbaday in kiiskan  laga keeno cadayno sax ah oo sharciga waafaqsan.

Waxa ay sheegeen xildhibaanada qaar in kiiskaas oo yahay mid la soo abaabulay oo aan ku fadhin wax sharci ah maadama  Maxakamada uu ka soo dhamaaday Asluubtana ay sii daysay.

Xildhibaan Cumar oo ka mid ah xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in suurtagal dalkan ka ahayn in muwaadiniinta loo xiro aniga ayaa wax iga sheegtay…VEDIO…

Xildhibaanada Golaha shacabka ayaa sheegay in dalka uu sharci leeyahay sidaas darteeda aan la ogolaan doonin in la dulmiyo muwaadiniinta Soomaaliyeed ee aan waxba galabsan oo uu ka mid yahay Abdalla Ahmed Muumin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.