XOG:  Cabsi laga qaba in beri qorshe qorsoon la hoosgaliyo Golaha shacanka.

XOG:  Cabsi laga qaba in beri qorshe qorsoon la hoosgaliyo Golaha shacanka.

Muqdisho (Raxanreeb )  –Maalinta beri oo isniin ah xildhibaanada Golaha shacabka ayaa lagu wadaa in ay fadhi ku yeesheen xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho

Kulankan ayaa aad  isha loogu hayaa , waxaana  jirta cabsi ay qabaan mudanayasha Golaha Shacabka ee Barlamaanka Soomaaliya , qaarkood oo aan la hadalnay ayaa ka gaabsaday in ay nala hadlaan

Warar  ayaa sheegaya  in  xildhibaannada Golaha Shacabkaay  u madlan yihiin  kulan looga hadlayo arrimaha siyaasadda iyo go’aamada masiiriga ah ee dalka.

Farriin loo diray Xildhibaannada ayaa lagu wargeliyay ajandaha kulanka berri oo taariikhdu tahay 5 February 2024, lama caddeyn inuu Madaxweynaha ka soo qeyb galayo iyo in kale.

Kulankan ayaa sida la aaminsan yahay jawaab u ah gogosha siyaasadeed ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo looga hadlayo xaaladda dalka iyo marxaladaha siyaasadeed ee dalka ka soo cusboonaaday, kaasoo lagu martiqaaday Madaxda DFS, kuwa Dowlad Goboleedyada iyo Madaxdii hore.

Baarlamaanka labada Aqal ayaa waxaa horyaala Wax ka bedelka dhameystirka Dastuurka oo la qorsheynayo in la soo gabagabeeyo bisha March, kaddib markii 24 bishi January 2024 qaab uu muran ku jiro loo ansixiyay Habraaca Wax ka bedelka Dastuurka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.