Waxaa lagu wadaa in Maalmaha soo socda magaalada Ankara ee dalka Turkiga ay wada-hadallo uga furmaan Wakiilo ka kala socda Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya.
Wada-hadalladaan ayaa waxaa dabada ka riixaya dowladda Turkiga ito dowlado kale, waxaana la sheegay in ujeedka wada-hadallada uu yahay in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed.
Wada-hadallada ayaa waxaa dhanka dowladda Soomaaliya ku matali doono wafdi ay horkacayaan wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi iyo wasiiru dowlaha arrimaha dibedda Cali Balcad, halka Itoobiya ay wakiil uga yihiin xubno uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassie.
Taye Atske Selassie ayaa shalay gaaray Ankara. Dhanka kalena Axmed Macallin Fiqi ayaa la filayaa inuu maanta u ambabaxo halkaas.
Wararka la helayo ayaa waxaa ay intasi ku darayaan in Wasiir Fiqi ka hor safarkiisa uu Shir jaraa’id ku qaban doono Magaalada Muqdisho, isla markaana uu ka hadli doono mowqifka dowladda Soomaaliya, isaga oo sharxi doona qaabka ay wada-hadallada u dhici doonaan.
Leave a Reply