XOG : MD Xasan oo Khilaafka Puntland kala hadlay maamul goboleedyada

XOG : MD Xasan oo Khilaafka Puntland kala hadlay maamul goboleedyada

Muqdisho (Raxanreeb ) Madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya ayaa magaalada  Muqdisho kulan kula qaatay qaar ka mid ah madaxda maamul- goboleedyada kuwaas oo ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Kulankan waxaa diirada lagu saaray sidii  uu u qabsoomi lahaa shirka madasha- wadatashiga Qaran iyo maqnaanshaha Puntland ee miiska go’aanada.

Madaxda – maamul goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed ayaa ahaa madaxda uu la kulmay madaxwaynaha Dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Sida aan xogta ku helnay madaxweyne Xasan sheekh ayaa ka codsaday madaxda maamulada uu la kulmay in ay deg deg u tagaan magaalada Garawe oo xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo maamulka Puntland.

Lama oga sida madaxda maamul goboleedyada ay ugu guulaysan doonaan xal u helida mushkilada ka dhax jirta madaxda dowladda  Federaalka iyo Puntland.

Madaxda  uu la kulmay Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale waxa uu u sheegay in muhiim ay tahay in Dowladda Soomaaliya lagala shaqeeyo arrimaha amniga iyo howlgalka wajiga labaad ee dagaalka Al- Shabaab.

Shirkii ugu dambeeyay ee golaha Wadatashiga ee ku qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa loogu xil saaray madaxda saddexda maamul goboleed in ay u safraan Garawe oo xal ka gaaraan khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.