SJS ‘’ Dowladda way sii wadaa tacdiga ay u gaysanayso Suxufiyiinta ‘’

SJS ‘’ Dowladda way sii wadaa tacdiga ay u gaysanayso Suxufiyiinta ‘’

Muqdisho (Raxanreeb ) Dunida waxaa maanta laga maamuusayaa 3da May oo ah maalinta loo gooni yeelay “Maalinta Xorriyadda Saxaafadda Adduunka” inta ay munaasabaddu lagu howlan yahay waxaa lasoo bandhigaa dhibaatooyinka loo geysto Suxufiinta & xarumaha ay ka howlgalaan.

Hal-ku-dhigga sannadkan ayaa ah “Qaabeynta Mustaqbalka Xuquuqda: Xorriyatul qowlka oo horseed u ah dhammaan xuquuqaha kale ee aadanaha”.

Hay’adda U doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty International ayaa ku baaqday in guud ahaan la ilaaliyo xuquuqda Suxufiyiinta iyo Xarumaha ay ka howlgalaan si looga hortago waxyeello soo gaarta ama la gaarsiiyo.

‘’La xisaabtan la’aanta weerarrada ka dhanka ah saxafiyiinta waa dhibaato halis ah oo baahsan taasoo khatar ku ah dhowrista xuquuqda suxufiyiinta iyo shaqaalaha warbaahinta Soomaaliya’’ sidaas waxa yiri xoghahaya SJS Abdalle Ahmed Muumin

Waddamada ugu badan ee lagu dhibaateeyay Suxufiyiinta 30kii Sano u dambeeyay waxaa kamid ah Soomaaliya, Suxufiyiin badan ayaa naftooda ku waayay beegsi toos ah & dhacdooyin ay la kulmeen,

21 saxafi, oo ay ku jiraan madaxda ururrada saxaafadda, ayaa la weeraray, si aan loo meel dayin loo xiray ama loogu hanjabay yagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo laga bilaabo 1da Janaayo 2023 ilaa 3 May, 2023.

Leave a Reply

Your email address will not be published.