Muqdisho (Raxanreeb ) “Kama bixi karo hoteelka aan deganahay oo la iima ogola in aan ku laabto gurigayga [Nairobi, Kenya], si aan ula soo kulmo dhakhtarkeyga iyo qoyskeyga, sababtoo ah waxay qaateen baasaboorkaygii oo waxay iiga dhejiyeen liiska dadka la mamnuucay.
“Waxaan u baahanahay daryeel caafimaad, waxaanan u baahanahay inaan arko qoyskayga. Deeq bixiyayaasha reer galbeedka waxa ay taageerayaan dowladda Soomaaliya balse isla dowladda ayaa beegsata saxafiyiinta aniga oo kale ah”. Ayuu yiri Cabdalle Axmed Muumin oo Muqdisho ugu xaniban dowladda Soomaaliya.
Cabdalle oo la hadlayay maanta jaraa’idka The Guardian ayaa sheegay in Saraakiisha Dowladda Soomaaliya ay toddobaad ka hor shuruudo usoo bandhigeen, kuwaas oo ay kamid yihiin in Haddii uusan dhaleeceyn dambe u soo jeedin dowladda oo uu raaligelin buuxda ka bixiyo, eedeymaha lagu soo oogayna la laali lahaa, loona ogolaan doono inuu dalka ka baxo.
“Waan diiday,” ayuu yidhi. “Haddii Soomaaliya ay rabto inay noqoto nabad iyo dimoqraadiyad ammaan ah, waxay u baahan tahay inay ammaan u noqoto suxufiyiinta.”
Leave a Reply