Kooxda Al- Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday Qaayib.

Dhuusmareeb ( Raxanreeb ) Kooxda Al- Shabaab ayaa weerar ku bilowday – qaraxyo ku qaaday deegaanka Qaayib ee gobolka galgaduud ee bartamaha dalka.

Weerarkan ayaa kooxdu waxa ay ku qaatay fariisimo ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin deegaankaas.

Waxaa lagu soo waramayaa in ay jiraan khasaaro soo – gaaray labada dhinac , waxaana saraakiil ka tirsan Dowladda ay sheegeen in ay dileen xubno ka mid ah Al- Shabaabka weerarka soo qaaday.

Xaaladda deegaanka ayaa degan sida ay sheegeen dadka deegaanka  , mana jirto warar madax banaan oo laga helayo deegaanka weerarka lagu qaaday.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya iyo kuwa deegaanka ayaa howlgal ka dhan ah Al- Shabaab waxa ay ka wadaan deegaano ka mid ah gobolada dalka.

Wixii ku soo kordha kala soco
www.raxanreeb.com.

Leave a Reply

Your email address will not be published.