XOGTA Qarsoon ee wadahadalka Xasan Sheekh & Afwerki.

XOGTA Qarsoon ee wadahadalka Xasan Sheekh & Afwerki.

Asmara (Raxanreeb )- Magaalada Asmara ee Dalka Eretria waxaa kulan mudo saacadaha qaatay ku yeeshay madaxwaynayaasha dalalka Soomaaliya iyo Eretria kuwaas oo ka hadlayo arrimo dhawr ah.

Ilaa iyo hadda waxyaabaha la soo bandhigay  ayaa  ah in labada madaxwayne  ay ka wad hadleen arrimaha ciidanka Soomaaliya ee tababarka ku qaadanaya dalkaas iyo xiriirka labada dal.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in labada madaxwayne  Xasan Sheekh & Isaias Afwerki  ay  isla  soo qaadeen  khilaafka Soomaaliya iyo Itoobiya oo noqday mid cirka isku sii shareeray.

Labada dhinac midkoodna ma uusan bixin wada – hadalka arimaha Itoobiya iyo Soomaaliya oo aan wali wax xal ah laga gaarin taas oo bilow u ah wadahadalkii dhaxmaray Abiy Ahmed iyo Muuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, oo horey u caddeeyay mowqifkiisa ayaa mar kale yiri “dalkeenna waan difaaci doonnaa, waxaan ku difaaci doonnaa wax kasta oo lagama maarmaan ah, taageero ayaan weydiisan doonnaa cid kasta oo gacan naga siinaysa.”

Leave a Reply

Your email address will not be published.