Xukuumadda FS oo sheegtay in ay yaraadeen 70% weerarada Al-Shabaab

Xukuumadda FS oo sheegtay in ay yaraadeen 70% weerarada Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Shirka todobaadlaha ah ee Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu shirguddoominayey Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa lagu ansixiyey heshiiska Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya.

Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in 70% hoos loo dhigay weeraradii ay qaadi jireen dagaalamayaasha Al-Shabaab, iyaga oo bogaadiyay Ciidanka Dowladda oo ku guuleystay in ay sugaan Amniga Caasimadda ee Muqdisho, sid lagu yiri qoraalka ka soo baxay shirka Golaha.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa lagu ansixiyey heshiiska Iskaashi  ee Adeegga Duulista iyo Hawada ee Soomaaliya iyo Kenya, kaas oo dib u cusbooneysiin ay ku sameeyeen labada dal, iyada oo shacabka Soomaaliyeed rafaad ku qabaan ukala gooshidda labada Dal.

Golaha ayaa warbixin ka dhagaystay Guddiga Wasiirrada ah ee loo xil saaray soo celinta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirmay dagaalka Suudaan, iyada oo lagu guuleystay in 1198 qof oo u badan arday wax ka baranaysay Suudaan lagu soo celiyo dalka, welina ay soconayaan howlaha daadgureynta muwaadiniinta Soomaaliyeed. Sida lagu yiri qoraalka ka soo baxay kulanka.

Golaha ayaa soo dhaweeyey tallaabada hoos loogu dhigay qiimaha lacageed ee sannadkan ay ku tagi doonaan Xajka muwaadiniinta Soomaaliyeed oo ka yar qiimihii sannadkii hore, taas oo ku timid tartan daah-furan oo ay galeen shirkadaha doonaya adeegga xujeyda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.