ATMIS oo shaacisay waqtiga  ugu danbeeya ee ay ka baxayaan Soomaaliya

ATMIS oo shaacisay waqtiga  ugu danbeeya ee ay ka baxayaan Soomaaliya

Muqdisho (Raxanreeb ) Maj. Gen. Marius Ngendabanka  oo ah taliye ku-xigeenka howlagalak cusub ee nabad ilaalilinta ATMIS ayaa sheegay in marka la gaaro bisha June ee sanadkaan qaraarka Qaramada Midoobey uu dhigayo in Soomaaliya laga saaro 2000 oo askari, isaga oo xusay in howlo farsamo ay dib ugu dhaceyso fullita howshaan bisha August 2023.

Taliyaha oo ka jawaabayay su’aal aheyd howlgalka socda kama muuqataan ayaa ku jawaabay in ciidanka xoogga dalka ay ka taageeraan dhinacyada farsamada, saadka, sirdoon iyo diyaadaha aan duuliyaha laheyn iyo kuwa kale ciidanku istimaalaan, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay jiraan waqtiyo badan ay ka muuqdeen howlgallada.

Howlagalka ciidamada midowga Afrika oo 15 sano jirsaday ayaa dib loogu ciliyay nabad ilaalinta ATMIS, sanadkii 2022, markaas oo howlgalka AMISOM laga badalay, intii lagu jiray howlgalka ayaa waxaa khasaaro badan kasoo ciidamo u dhashay Uganda iyo Burundi, kuwaas oo la kulmay weerarro kale duwan oo ka dhacay gobollada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.