Muqdisho (Raxanreeb) — Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa wax kabadal ku sameysay qaar ka mid ah badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka, iyada oo ka soo saartay xeer loogu magacdara; Xeer Nidaamiyaha waxkabadalka Jadwalka dhaqangalka ah ee Tacriifada iyo Canshuurta gadidda ee badeecadaha dalka loo soo dhoofiyo qaar kood.
Xeerkaan oo ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya April 23, 2023-ka , uuna saxiixay Wasiirka Maaliyadda Dr Cilmi Maxamuud Nuur ayaa lagu sheegay in uu dhaqan galay maalin ka dib markii uu soo baxay xeerkaan.
Xeerkaan ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda ayaa wax ka badal ku sameeyay canshuuraha laga qaado badeecadaha qaar ee laga soo dajiya Dekadda Magaalada Muqdisho, kuwaas oo canshuurtooda la kordhiyay.
Badeecadaha loo soo dhoofiyo dalka ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ku kordhisay Canshuurta ayaa kala ah:-
Cabitaannada iyo Cuntooyinka.
Qalabka Dayactirka (Spare Parts).
Badeecadaha Isqurxinta (Cosmetics).
Baabuurta Raaxada (Luxury Cars).
Qalabak Korantada Ku-shaqeeya (Electric/Electronics
Alaabta Guryaha iyo Xafiisyada (Furniture).
Shamiintada (Cement).
Dharka & Kabaha.
Qalabka Dhismaha.
Tubaakada
Canshuuraha lagu kordhiyay Badeecadahaan ayaa ah kuwa 100%, iyada oo cashuurtii hore laga dhigay laba jibaar, taas oo ka dhigan haddii gaariga lagu canshuuri jiray $1,000, ay hadda noqoneyso canshuurtiisa $2,000. Sida ku xusan xeerka ka soo baxay Wasaaradda.
“Inta aan la hirgalin kahor, maamule kasta ee goob furdo waa inuu u qabtaa shir wargelin ah ganacsatada iyo danceyayaasha kale ee isbedelkaan saameeynaayo, lana socodsiiyo isbeddelka lagu sameeyay jadwalka tacriifada iyo canshuurta gadida, nuqulo ku filanna u qaybiyo daneeyayaasha,” sida lagu yiri xeerka ka soo baxay Wasaaradda Maaliyadda.
Dowladda Federaalka Soomaaliya wali si rasmi ah uma sheegin sababta rasmiga ee loo kordhiyay Canshuurta Badeecadahaan loo soo dhoofiya Soomaaliya, walow miisaaniyadda Dowladda 30% ay iska bixiso Dowladda halka inta soo hartay ay tahay kab kaga yimaada Beesha Caalamka.
Leave a Reply