Ya sugaya amniga Axmed Madoobe , haddii ay baxaan ciidanka Kenya ATMIS ?

Ya sugaya amniga Axmed Madoobe , haddii ay baxaan ciidanka Kenya ATMIS ?

Ceelwaaq (Raxanreeb ) –Maamul goboleedka Jubbaland ayaa  u diyaargaroobaya ka dib ka bixitaanka ciidanka Kenya ee Jubbaland oo qayb ka ah ATMIS sidii ciidamo u gayn lahaa deegaanada ay ka baxaan.

Sida warar la helayo ay sheegayaan ciidamo dhawaan tababar u soo xirmay kuna sugan degmada Ceelwaaq ayaa loo qaybinayaa hub fara badan si ay qayb ugu noqdaan ciidanka sugaya amniga.

Marka la gaaro 15 bisha soo socoto qeybtii udanbeysay  oo ciidanka Kenya  ayaa ka bixi doono degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo halkaas oo in muddo ah ay ka howlgalayeen.

Wafdi  ka socda Jubbaland  ayaa lagu  in dhawaan ay gaaraan degmada ceelwaaq si ay u dar dar galiyaan amniga degmada Ceelwaaq oo ay ka baxayaan ciidanka Kenya ee ATMIS.

Warar soo  baxaynaya waxa ay sheegayaan in Guddomiyaha gobolka Gedo u safar gaar u ah ugu baxay dalka Jabuti, halka Macalimuu iyo Cali Kadiye iyagana la sheegay in looga yeeray magaalada Kismaayo Inkasto Macalimuu iska diiday.

Leave a Reply

Your email address will not be published.