Yaa loo saadaalinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Taliyaha Booliska.

Yaa loo saadaalinayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir & Taliyaha Booliska.

Muqdisho (Raxanreeb)  Waxaa aad u soo kordhaya hadal haynta la xiriirta isbedel lagu samaynayo maamulka gobolka Banaadir ee uu hoggaaminayo Cumar Maxamed Maxamuud Finish.

Guddoomiye Cumar Finish ayaa la sheegaa inuu ka mid ahaa shaqsiyaadka aadka ugu dhawaa Madaxwaynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isbedelka lagu sameynayo gobolka Banaadir ayaa waxa ay aad u soo xoogaysatay markii dhawaan Duqa Muqdisho  uu ka soo muuqan waayay shirkii Golaha amniga Qaran ee Madaxtooyada lagu qabtay.

Shirka ugu horeeya ee golaha wasiirada ayaa la saadilanayaa in lagu magacaabi doono qofka noqon doona Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Labada shaqsi ee loo saadaalinayo in loo magacaabo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa kala Xasan Maxamed Xuseen Muungaab iyo Yusuf Hussein Jimaale

Labadan masuul ayaa hore u soo qabtay xilka Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho.

Xog ay heshay RBC ayaa sheegaysa in sidoo kale Taliyaha Booliska aad loogu saadaalinayo Sareeyo Guuto Maxamed Sheekh Xasan Xaamud ama Bashir Ameeriko.

Waxa la dhawrayaa sida wax ay isku bedelaan saacad kasta iyo sida ay wax noqon doonaan maalmaha soo socda oo isha lagu hayo isbedelka ku dhici doona maamulka gobolka Banaadir iyo Talisyada ciidanka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.