Yabooh : Maandooriyaha  ka daran dagaalka Al- Shabaab

Yabooh : Maandooriyaha  ka daran dagaalka Al- Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb ) Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in culayska ugu badan ay saari doonaan la dagaalanka dadka iibiyo iyo goobaha lagu iibiyo waxyaabaha maanka – dooriya.

Waxa uu sheegay  maamulka gobolka Banaadir in qof kasta oo ku iibiya waxyaabaha maankadooriya magaalada Muqdisho uu la mid yahay Al- Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in aan la ogolaan doonin in waxyaabaha maanka dooriya lagu iibiyo degmooyinka magaalada Muqdisho.

Guddoomiye Maxamed Axmed Yabooh ayaa sheegay in la dagaalanka maan-dooriyaha ay siinayaan muhiimad ka weyn tan ay siiyaan la dagaalanka Al-Shabaab sida u hadalka u dhigay.

“Dagaalka aan kula jirno maan-dooriyaha, wuxuu ka muhiimsan yahay kan Shabaab  24-ka saac dadkeena dila ,  sababtoo ah waxaa macquul ah in Shabaab-ka aan la dagaali karno oo ka hor tegi karno ‘’ ayuu yiri  Guddoomiye Yabooh.

Kol hore Guddoomiyaha gobolka  –  Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho ayaa ka digay inay sii furaadaan kalaabyada ku yaalla magaalada Muqdisho, isagoo ku goodiyey in hadda kadib ay go’aan culus ka gaari doonaan gurigii lagu dhex arko maandooriye.

Leave a Reply

Your email address will not be published.