23-kii May 2022 ayuu xilka la wareegay Madaxwayne Xasan Sheekh kaddib doorashadii 15-kii bishaas dhacday oo uu kaga adkaaday MW hore Maxamed Farmaajo.
Xasan ayaa kamid ahaa musharrixiinta waqtiga dheer ku soo jiray ololaha doorashadii uu ku soo baxay, isagoo goobjoog u ahaa dhacdooyin waa weyn oo dalka ka dhacayay shantii sano ee dowladdii hore.
Ka danjire ahaan Maxamed Caalim waxaan aaminsanahay in shacabka Soomaaliyeed, ay Madaxweyne Xasan uga fadhiyeen tallaabooyin cusub oo uu u qaado dhanka cadaaladda iyo dib u dhiska haykalka dowladnimo.
Tallaabooyinkaasi madaxweynaha laga sugayay muddadaasi 100-ka cisho waxaa kamid ah;
1- Inuu guddi u saaro dhacdooyinkii waa weynaa sida Weerarkii gurigii CCWarsame, Xasuuqii ka dhacay magaalada Baydhabo, cunaqabatayntii Kismaayo, dumintii Hirshabeelle, Dagaalladii Dhuusamareeb iyo Guriceel ee Ahlu Sunna, doorashooyinkii la boobay IWM
2- Dib u eegis lagu sameeyo hannaanka maaliyadda dalka iyo kaabayaasha dhaqaale sida Dekadda iyo Garoonka
3- Ka shaqeynta in Muqdisho yeelato matalaad siyaasadeed iyo Maamul ku meelgaara.
4- Ku dhawaaqista dagaalka Shabaab ka hor wax ka beddal lagu sameeyo talisyada ciidamada iyo sharciyada la dagaalanka Argagixisada
5. Midaynta Maamul Goboleedyada iyo shacabka ka ku nool siyaasad xasilin ku dhisan
6 Daganaayo siyaasada Arrimaha Dibadda ee dawlada Faderaalka Taas oo ku dhisan siyaasad dhex dhexaad ah oo dan u ah Amniga dalka somalia
Qodobaddaas ayaa noqon lahaa kuwa horseeda bisayl siyaasadeed iyo in shacabku aaminaan dowladnimada sidoo kalena aynaan dhicin in qof siyaasi ah uu awoodda dowladda u adeegsado dadka rayidka ah iyo siyaasiyiinta ka ra’yiga duwan.
Madaxweynaha waxaa la oran karaa 100-kii cisho ee tegay waxaa ay kaga dhammaatay khilaafyo gudaha iyo dibadda ah kuwaasoo aan salkooda weli la ogaan iyo safarro dhowr ah oo uu dalka uga baxay, isagoo dowlad goboleedyada booqan.
Waxaa qoraalkaygan ku soo koobayaa, mudane madaxweyne waxaa lagaaga fadhiyaa inaad ka run sheegto isbedalkii dhacay, si shacabka oo badi soo laabashadaada u riyaaqay aysan uga rajo dhigin hannaanka dowlad dhiska Soomaaliya.
Waxaa qoray: Danjire Mohamed Caalim
Fallanqeeye ka faallooda arrimaha siyaasadda ee Soomaaliya iyo tan caalamka
Email; Caalim68@hotmail.com
Helsinki
Leave a Reply