William Ruto” Maxkadda Sare waa in ay diidaa codsiga Raila Odinga”

William Ruto” Maxkadda  Sare waa in ay diidaa codsiga Raila Odinga”

Nairobi (Raxanreeb ) Madaxwaynaha la doortay ee Kenya ayaa sheegay in Maxkamadda Sare ee Dalka Kenya looga baahan yahay in ay laasho codsiga Railla Odinga oo looga awood roonaaday doorashadii ka dhacday Kenya.

“khilaaf joogto ah oo ku saabsan natiijada doorashada madaxtinimo iyo hurinta qalalaasaha qaranka kadib guuldarro”. sidaas waxaa sheegay Madaxwaynaha dooran William Ruto

Waxa uu sheegay Ruto in Maxkamada sare ee dalka Kenya ay diido codsiga kaga yimid Raila Odiga oo dhawr jeer waji gabax kala kulmay doorashooyinkii is xig xigay ee ka dhacay Kenya.

Odinga, ayaa ka soo horjeeda -gabi ahaan natiijadii doorashadii 9-kii Ogosto ee Kenya ka dhacday, taas oo guusha ay ku raacday William Ruto.

Wuxuu ku eedeeyay Ra’iisul Wasaarihii hore inuu isku dayay “in uu helo fursad kale oo doorasho oo maxkamaddu go’aamiso.

Siyaasigan oo 77 jir ah, ayaa ku guuldarraystay tartankiisii shanaad ee doorashada madaxtinimo tiro yar 230,000 oo cod – oo ah wax ka yar boqolkiiba laba.

Tan iyo sannadkii 2002-dii, doorashadii madaxtinimo ee Kenya waxay aheyd mid natiijadeeda lagu murmo, iyadoo Odinga uu horay u sheegay in lagu khiyaamay doorashooyinkii 2007, 2013 iyo 2017.

Leave a Reply

Your email address will not be published.