Muqdisho (Raxanreeb ) Ra’iisulwasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa ku sugan magaalada Tunis ee caasimadda waddanka Tunisia.
Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa waxa soo dhaweeyay Wasiirka Gaashaandhigga Tuniisiya, Imed Memmich iyo masuuliyiin kale.
RW Hamza Abdi Barre ayaa ka qaybgalaya shirka caalamiga ee Tokyo ee horumarinta Africa (TICAD) kaasi oo maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda.
Inta uu ku sugan Ra’iisuwasaare Xamse Cabdi Barre Tunisia waxaa uu halkaas kula kulmi doonaa madax kala duwan oo uu kala hadli doono xaaladaha guud ahaan Soomaaliya iyo sidii loo garab istaagi lahaa xukuumadiisa ugubka ah.
Shirkan ayaa maanta ka furmaya magaalada Tunis – shirku waxa uu socon doona labada maalmood ee soo socda, waxaana looga hadli qodobo ku saabsan horumarinta Afrika.
Safarkan Ra’iisulwasaare Xamse Cabdi Barre Tunisia ayaa noqonaya kii ugu horeeyay oo uu ka qay galayo tan iyo markii loo magacabay xilka Ra’iisulwasaaranimo.
Leave a Reply