Dowladda oo kordhisay howlgalada magaalada Muqdisho.

Muqdisho ( Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa habeenadan u muuqda kuwa kordhiyay howlgalada ay ku doonayaan in ay ku sugnaan amaanka degmooyinka gobolka Banaadir.

Xilliyada habeenkii waxaa qaar ka mid ah waddooyinka muhiim ah lagu arkayaa ciidamo fara badan kuwaas oo ku jira heegan la xiriira sugidda ammaanka magaalada Muqdisho.

Saraakiil ka tirsan Dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in ay xoogga saari doonaan wax ka qabashada amaanka degmooyinka magaalada Muqdisho , oo la ogyahay in maalmahan ay ka dhacaan dilal iyo qaraxyo.

Qaraxii ugu danbeeyay waxa u shalay ka dhacay agagaarka Sayidka halkaas oo fariisimo u ah ciidanka Dowladda isla markaana laga ilaaliyo Madaxtooyadda Soomaaliya kaas oo lala eegtay sarkaal ka tirsan Maxkamada gobolka Banaadir.

Falkaas waxaa ka horeeyay dilal kale oo magaalada Muqdisho loogu – gaystay ganacasato Soomaaliyeed , kuwaas oo ilaa iyo hadda aan cidna loo soo qaban hase ahaatee ciidanku ay sheegayaan in ay ku raad joogaan.
Howlgaladan intooda – badan waxa ay ciidanka Dowladda Soomaaliya ay ka fuliyaan xaafadaha iyo waddooyinka kale ee muhiim ah ee ku yaala magaalada Muqisho.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa la tacaalaysa amniga magaalada Muqdisho , oo marar badan ay ka dhaceen falal amni darro oo qaarkood masuuliyadooda ay sheegtay kooxda Al- Shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.