PUNLAND : Muran ka taagan degmooyin la sheegay in doorashado lagu qabanayo.

Garoowe (Raxanreeb ) Magaalooyin ka mid ah Puntland waxa ka taagan buuq la xiriira warar soo baxayay oo sheegayay in 12 degmo Puntland ay ku qabanayso doorasho , taas oo lagu eedayanayo Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Shakigaga ugu badan ayaa dhashay ka dib markii dhawaan Wasiirkii Maaliyadda Puntland uu sheegay in isaga iyo Madaxwayne Saciid Deni ay isku khilaafeen doorasho in lagu qabanayo 12 degmo oo ka mid ah Puntland.

Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha Puntland Cabdiweli Mire Xirsi ayaa sheegay in wasaaradda arrimaha gudaha ay mas’uul ka tahay barnaamijkan islamarkaana aysan macquul ahayn in 12 degmo lagu koobo doorashooyinka.

Magaalooyin ka mid ah Puntland si aad ah ayuu u qabsaday hadalka ku saabsan doorashadan , taas oo haddii ay sax noqoto keeni karta khilaaf adkaan doonta in xal laga gaaro sida ay sheegayaan dadka falanqeeya arrimaha siyaasada .

Lama oga halka uu ku danbeyn doono khilaafka ku saabsan doorashada 12-ka degmo ee la hadal hayay in Madaxwaynaha Puntland uu damasan – yahay in doorasho lagu qabto , taas oo ay ka dhalatay , guux xoog badan oo Garoowe ka jira.

Si kasta buuqa siyaasadeed ee ka jira Puntland ayaa la sheegayaa inuu soo jiitamayay in muddo ah kaas oo ka dhashay markii musharax Madaxwayne uu noqday Madaxwayne Saciid Cabdullaahi Deni.

Leave a Reply

Your email address will not be published.