Maanta iyo Deegaanka Basra ee Shabeellaha Hoose.

Afgooye (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xoogga saaraya , wax ka qabashada xaaladda hubinti la’aanta ah ee ka taagan deegaanka Basra ee Shabeellaha Hoose halkaas marar badan fooda ay isku saareen Dowladda iyo kooxda Al- Shabaab.

Ciidanka Dowladda ayaa la xaqiijiyay in shalay dagaal halkaas ay kula galeen Al- Shabaab ay kaga dhinteen sagaal ka mid ah ciidanka Hay’adda nabad sugidda sida ay xaqiijiSay warbaahinta Dowladda.

Xaaladda deegaanka waxa lagu soo waramayaa in ay degantay halkaa soo ay ku jireen dhaqdhaaq ciidan oo markasta waxa la filan karaa in ciidanka Dowladda iyo Al- Shabaab halkaas ay ku dagaalamaan.

Inkastoo ciidanka hadda gacanta ay ku hayaan deegaanka , hadana waxaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan howlgalo lagu barataarayo amniga deegaanka halkaas oo ay fariisimo muddo dheer ay u ahayd kooxda Al- Shabaab.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay ka go’an ragat in sugto amniga deegaanka oo ay ka saartay markaan kooxda Al- Shabaab .

Cidianka Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo ay ku doonayaan in Al- Shabaab ay kaga saaraan deegaano ka mid ah gobolada dalka.

Leave a Reply

Your email address will not be published.