Digiin loo daray Milkiilayaasha Nootaatooyinka & sababta keentay

Muqdisho (Raxanreeb ) War ka soo baxay wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ayaa digniin loogu diray milkiilayaasha qaar kamid ah Nootaatooyinka magaalada Muqdisho Muqdisho.

Warqad ka soo baxday Wasaaradda ayaa lagu sheegay inay soo gaartay cabasho ka timid qaar kamid ah Shacabka taas oo ah in qaar kamid ah Nootaatooyinka Muqdisho ay xogtooda la wadaagaan Al-Shabaab.

Wasaaradda ayaa ku wargelisay dhammaan mas’uuliyiinta leh nootaayooyinka dadweynaha in xogta ay la wadaagaan Al- Shabaab ay tahay fal-dembiyeed oo xad-gudub ku ah shuruucda iyo dastuurka dalka.

“Qofkasta oo lagu helaa gacan siinta Argagaxisada wuxuu muteeysanayaa ciqaabta ku qeexan xeerka xiqaabta Soomaaliyeed iyo xeerarka kale ee uu dalka leeyahay ayaa lagu yiri” Qoraalka Wasaaradda.

Nootaayooyinka magaalada Muqdisho ayaa la sheegay marka guri ama boos lakala iibsaday kala wareejiyaan xogta macaamiisha wax kala iibsaday u gudbiyaan Al Shabaab oo degdeg ula soo xiriira macaamiisha kuna amra bixinta lacag canshuur ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.