RW Xamse oo ka qayb galaya shir ka dhacay Bahr Dar oo Colaad ay ka jirtay.

RW Xamse oo ka qayb galaya shir ka dhacay Bahr Dar oo Colaad ay ka jirtay.

Adis Ababa (Raxanreeb )Ra’iisal Wasaaraha Somaaliya Xamse Cabdi bare iyo wafti uu hogaaminayo ayaa galabta soo gaadhay caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa.

Wafdiga ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Addis Ababa ku soo dhaweeyay, Guddoomiye Ku Xigeenka Xisbiga talada Itoobiya haya ee Barwaaqo Aadan Faarax, Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Mustafe Cagjar iyo madax kale.

Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ayaa waxaa safarkan ku weheliya wasiiru dawlayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay in Wafdiga Ra’iisal Wasaare Xamse Cabdi Barre ee Itoobiya ku yimid ay tahay mid uu kaga qayb galayo Shirka caalamiga ah ee madasha Tana Forum oo ka furmaya gobolka Axmaarada ee Bahirdar.

Warbaahinta dalka Itoobiya ayaan wali ka hadlin Wafdiga Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ee galabta soo gaaray magaalada Addis Ababa
Madashan oo ay sanadkii mar soo qaban qaabiso madasha Tana (Tana Forum) wax aan aragti wadaag ahayn ma dhaafsiina.

Intaas waxaa dheer in uu ka dhacayo magaalada Bahr Dar ee Is-maamulka Ahxaarada oo labadii sano ee la soo dhaafay collaad u joog ahayd.

Leave a Reply

Your email address will not be published.