Ma fuli karaa balanqaadka RW u sameeyay Xulka Qaranka ee 17 jirada ?

Adis Ababa (Raxanreeb ) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya, Mudane Hamza Abdi Barre ayaa caawa kulan dhiirigelin iyo taageerid ah la qaatay Xulka Qaranka Kubadda Cagta Soomaaliya ee da’doodu ka yar tahay 17 sano, kuwaasi oo guullo taariikh ah ka soo hooyay tartanka CECAFA Zone.

Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa ku ammaanay cayaartooyda kooxda, macallinkooda iyo masuuliyiinta Xiriirka Kubadda Cagta guusha ay u soo hooyeen magaca Soomaaliyeed oo ku tilmaamay inay tahay mid dhaxalgal ah.

Mudane Xamse wuxuu dhallinyarada u sheegay in Soomaali oo dhan ay dhinacooda soo eegayaan cayaarta kama dambeysta ah – isagoo u ballanqaaday abaalmarin weyn oo ay ku farxaan haddii ay ku soo guuleystaan iyo haddii aysan koobka soo qaadinba.

“Qof weliba Dalkaan meel ayuu ka joogaa, idinku kaalintiinu waxa ay ahayd in aad ciyaartaan oo aad badisaan, aad & aad ayaan idin kugu mahadcelinayaa, ummadda Soomaaliyeed guud ahaan way idin garab taagan tahay, markii aan waday wadatashiga waxa ay dhalinyaradu iga codsadeen in aan usoo magacaabo qof dhalinyaro ah, waxa ay taasi igu kaliftay in aan baddelo Wasiirka oo meel kale ku qornaa” RW Xamsa Cabdi Barre.

Kooxda kubadda cagta Da’yarta Soomaaliya ayaa cayaarta finalka waxa ay isaga hor iman doonaan kooxda South Sudan maalinta Sabtida – waxaana labada koox ay u soo baxeen tartanka AFCON ee 2023 ka dhici doona Aljeeriya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.