XOG : Duulaanka  Degmada Ceelbuur Maxaa helay ?

Raxanreeb (Dhuusmareeb )  Inta badan waxaa aad u soo noqday noqday su’aasha ah ilaa iyo hadda maxaa hortagan in weerar lagu qaado degmada Ceelbuur oo ay maamulaan kooxda Al- Shabaab.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa soo baxayay dhuula-tus la xiriira in ciidanka heegan ay ugu  jiraan sidii gudaha ciidanka ug ugali lahayeen degmada Ceelbuur ee gobolka  galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Waxyaabaha keenay in qabsashada Ceelbuur dib u dhigaya ayaa lagu sheegayaa in ay tahay arrimo siyaasadeed  iyo sida laga yeelayo hab maamulka hadii gacanta A-l Shabaab laga saaro degmada Ceelbuur.

Siyaasiinta ka soo jeeda degmada Ceelbuur si gaar ah , beelaha Mursade iyo Duduble ayaa la xaqiijinayaa in ay isku hayaan arrimaha ku saabsan ka hor inta aan lagu duulin deegmadaas laga sii fakaro cid maamul ahaan gacanta loo galinayo taasna ay keenayso in isha uun laga daawado degmadaas.

Ciidanka  Beesha Murusade ee u baxay in ay duullaan ku qaadaan degmooyinka Ceelbuur iyo Galhareeri iyo deegaanada hoostaga ayaa muddo ku sugan deegaano ka mid ah gobolka galgaduud walina looma dhaqaaqin .

Inkastoo abaabulka uu socdo hadana waxa la dhawrayaa sida ay u dhaqan galaan go’aana ah in laga saaro Al- Shabaab degmada Ceelbuur ee gobolka galgaduud iyo sida  uu noqon doono hab maamulka degmada.

Gobolada deriska ah la galgaduud waxaa ka soconaya howlgalada ka dhanka ah Al- shabaab kaas oo ay isaga kaashanayaan dadka deegaanka iyo ciidanka Dowladda Federaalka , kaas oo hormar laga sameeyay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.