194k oo Ruush ah, ayaa u qaxay Finland, Georgia iyo Kazakhstan

In ka badan 194,000 oo Ruush ah, ayaa u qaxay Finland, Georgia iyo Kazakhstan tan iyo markii Putin uu ku baaqay in uu ka dagaallamo waddanka Ukraine.

Waxay ku qaadatay Vsevolod, afar maalmood inuu ka soo kaxeeyo Moscow illaa xadka koonfureed ee Ruushka uu la wadaago Georgia, waxay noqotay in uu hal mar gaadhigiisa ka tago oo uu lugta sii wato.

Talaadadii, wuxuu ugu dambeyntii dhammeeyay safarkiisa 1,800km (1,100-mile) wuxuuna ka tallaabay xuduudka si uu uga baxsado in loogu yeero dagaalka Ruushka ee Ukraine.

“26 jirkan ayaa yiri “ma rabo in in la igu qaado (naxashka) zinc-lineed ama aan gacmahayga ku wasakheeyo dhiig qof kale sababtoo ah dagaalka hal qof oo doonaya inuu dhiso boqortooyo,” ayuu u sheegay Associated Press, isaga oo waydiinaya in aan magaciisa dambe la isticmaalin sababtoo ah waxa uu ka baqay in uu Ruushka ka aarguto.

Waxa uu ka mid ahaa in ka badan 194,000 oo muwaadiniin Ruush ah oo u qaxay dalka deriska la ah ee Finland, Georgia, iyo Kazakhstan – inta badan baabuur, baaskiil ama lug – isbuucan tan iyo markii madaxweyne Vladimir Putin, uu ku dhawaaqay abaabulka qayb ka mid ah ciidamada kaydka.

https://aje.io/h4hxo2

Aljazeera, [Photos] EPA /Anadolu /AP

Leave a Reply

Your email address will not be published.